Madaxa Shirkadda Telfoonada gacanta ee Sumsung oo lagu xukumay 5 sano oo xarig ah

178

Maxkamad Ku taala dalka Koonfurta Kuuriya ayaa xukun xabsi ah Ku riday Ku simaha madaxa Shirkadda Sumsung.

Maxkamadda ayaa madaxa Sumsung Lee Joe-yong Ku xukuntay Shan sano oo xariga, waxaana lagu helay eedaymihii loo haystay oo ah Laaluush iyo been abuur.

Lee Joe-yong ayaa ah ganacsadaha 3 xaad ee ugu  umaalqabeensan ayaa Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu lacag badan galiyay hay’ado ay leeyihiin dad ay saaxibo dhow yihiin kuwaasi oo ka shaqaynayay sidii dib loogu dooran lahaa madaxwaynihii xilka laga qaaday ee dalkaasi K/Kuuriya Park Geun-hye.

Qareenka u dooda Maalqabeenka la xukumay iyo Shirkadda Tignoolajiyadda iyo telephone-nada  Song Woo-cheo, ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka maxkamadda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here