Maamulka G/ Banaadir oo ka warbixiyey xaalada saameynta roobabkii ka da’ay Muqdisho

112

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoow) ayaa ka hadlay xaaladda saameynta roobabkii xalay ilaa iyo maanta ka da’ayey magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen, isla markaana in ka badan 300 guri ay biyo galeen halka qaar kalena ay dumeen.

“Roobabkii ka da’ayey caasimadda tan iyo xalay oo ahaa nimco rabbaani ah ayaa saameyn ku yeeshay naf iyo maalba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay waday gurmad oo dadkii saameynta ku yeelatay la geeyey goobo isla markaasna loo diyaariyey raashin iyo hoy.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisoow oo Xaafiiska warbaahinta kula hadlay.

Guddoomiye Yarisoow ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay wadaan gurmad joogta ah sida biyaha oo laga dhurayo goobaha ay fariisteen, dadka loo diyaariyey hooy iyo raashin iyo in dhowaan la guda gali doono nadaafada caasimada si laamiyada burburay loo dayactiro.

Roobab xooggan oo xalay ilaa saaka ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhaw ayaa saamayn xooggan ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha.

Roobabkaan ayaa sidoo kale hakiyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee shalay ka bilowday magaalada Muqdisho.

SHARE