Maamulka G/ Banaadir oo baaraya dhulalka danta guud ee sida sharci darrada ah lagu bixiyey

118

Muqdisho (UM) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaris iyo dib eegid lagu samayn doono dhulalka hantida guud ee sharci darrada lagu bixiyay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ayaa sheegay in guddi baaris ku samayn doono arrintaan loo xil saarayo dhulalka Dowladda ee sida sharci darada loo bixiyey ka dib markii ay cabashooyin ka yimaadeen.

“Iyadoo la tixraacayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) taariikhdu markey ahey 19kii Janaayo 2018 ee uu ku yiri Dhulka Dowladda inaan la hibeyn karin, lana bixin karin, lana wareejin karin. Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wareegto ka soo baxday xaafiiskiisa ku sheegay inuu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimada Muqdisho. Sidoo kale qoraalkii Madaxweynaha ee 19kii Janaayo 2018 ayaa farayey dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Dhulalka sida sharcida darrada ah lagu bixiyey ee la dhisanayo ayaa ku soo baddanaya magaalada Muqdisho, kasakoow wareegtada Madaxweynaha.

SHARE