Iiraan: Waa la dhaafay xilligii Dunida wax u soo go’aamin jiray Maraykanka

97

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa si kulul u cambaareeyay cunaqabateynta cusub ee uu Mareykanka ku soo rogi doono dalkiisa.

Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in aanay wax cabsi aanu u arkin hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ee ahaa in cunaqabateyntii ugu adkeyd taariikhda lagu soo rogi doono Iiraan.

Waxaa uu sheegay in dalalka kale ee Caalamka aanay ogolaan doonin waxa ay Mareykanka soo go’aamiyaan, isagoo su’aal geliyay kalsoonida lagu qabi karo go’aanada Mike Pompeo ee ku aadan Iiraan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku hanjabay inay Iiraan ku soo rogi doonaan cunaqabateyntii ugu adkeyd taariikhda, haddii aysan fulin 12 Shuruudood oo fanqeeyaasha Barriga Dhexe ay Ku tilmaameen mid Maraykanka uu Ku doonayo inuu dagaal toos ah la galo xukuumadda Tehran maadaamada shuruudaha 12-ka ah aysan ogaan doonin Iiraan.

Ruuxaani, ayaa sheegay in la dhaafay waqtigii Maraykanka Dunida inteeda kale go’aan u soo gaari jiray.

“Kumaa Tihiin marka aad soo gaaraysaan go’aan dalkeena quseeya, waa la dhaafay waqtigii dunida ay wax usoo go’aamin jirteen” ayuu yiri madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump,  ayaa dhowaan Ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiskii Niyukleerka dalka Iiraan, go’aankaasi oo  ay cambaareeyeen dalalka qaar ee qeybta ka ahaa heshiiskaas oo ay ka mid yihiin UK, France iyo Germany oo xulafo dhow la ah Maraykanka.

SHARE