US:Guddomiyaha G/ Minnesota oo ka Hadlay weerarkii lagu qaaday Masjid ku yaala Gobalkaasi

107
Minnesota Gov. Mark Dayton answers questions after he presented his two-year budget proposal which tops $40 billion, Tuesday, Jan. 27, 2015, in St. Paul, Minn. (AP Photo/Jim Mone)

Gudoomiyaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Mark Dayton ayaa sheegay in Qarax dhawaan lagu weeraray Masjid ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah uu ahaa Mid Argagixiso.

Waxaa uu sheegay  falkaasi in uu ahaa mid si aada looga naxay, islamarkaana Falkaasi ay ka dambeeyeen Xagjiriin taageersan Argagixisadda.

“Burburka loo geystay goobtan barakaysan waa mid aan la malayn karin, lana cafin karin. Waxaan rajaynayaa oo aan rabbi ka baryayaa in ciddii ka dambaysay la qabto oo si buuxda sharciga loo mariyo” ayuu Dayton ka sheegay shir jaraa’id oo lagu qabtay dibadda masaajidka oo ku yaalla Bloomington, Minnesota.

FBI-da ayaa baaraysa waxa uuna Dayton ku sheegay fal “daran, oo ceeb iyo fulaynimo ah”.

Golaha xiriirka islaamka iyo Ameerikaanka (CAIR) ayaa ku yaboohay in $10,000 la siinayo ciddii keenta akhbaar lagu soo xiri karo qofkii weerarka mas’uulka ka ahaa.

Sidoo kale waxaa abaalmarintaas oo kale ballan qaaday ururka muslimiinta Maraykanka ee Minnesota.

Bog internetka laga furay oo lagu uruurinayo qaaraan lagu dayactirayo masaajidka ayaa durba lagu uruuriyey ilaa Isniintii $40,000.

Ururku wuxuu ka codsaday Masaajidda iyo xarumaha islaamka ee dalka inay sare u qaadaan amniga.

Minnesota waa halka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Maraykanka, xarunta islaamiga ee Daarul Faaruuqna waxay inta badan u khidmaysaa Soomaalida.

SHARE