Goobaha codbixinta doorashada Kenya oo meelaha qaar bilaabtay in lasoo xiro

150

Goobaha codbixinta doorashada guud ee dalka Kenya ayaa haatan bilaabatay in goobaha qaar la xiro ayadoo gobalada qaarna ay ka bilaabatay tirinta codbixinta doorashada.

Doorashadan oo ah mid labada musharax Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ay aad isugu dhow yihiin.

In ka badan 19 million oo qof ayaa isugu soo baxay goobaha codbixinta si ay u doortaan hogaamiyaha 5ta sano ee soo socota, xildhibaanada Aqalka Sare kuwa Aqalka Hoose iyo xubno kale.

Madaxwaynaha dalka Kenya ayaa sheegay inuu aqbli doono natiijada doorashada ayadoo musharixii muran ka keena natiijada ay u furan tahay inuu u dacwoodo maxkamadda Sare ee dalkaasi.

Kenya ayaa waxaa soo maray rabshado Ku salaysan natiijada doorashooyinka inkastoo doorashadan tii ka horaysay aan dhicin rabshado sidaa u balaaran.

Korjoogayaal caalami ah oo ay ka mid yihiin xoghayihii hore ee arrimaha dibadda dalka Maraykanka John Kerry iyo madaxwaynihii hore dalka Koonfur Africa Thabo Nbeke iyo kuwo kale kuwaasi oo dusha kala soconaya habka ay doorashadu u socoto.

Xiisado ayaa ka dhex jiray hoggaamiyaasha tartamaya iyo taageerayaashooda maalmihi ugu dambeeyey, waxayna doorashadani tijaabo u noqon doontaa hanaanka dimuqraadiyadda dalka kenya, maadaama ay jiraan dhibaatioooyin ka dhashay doorashadii 2007-kii, markaasi oo rabshadihii qarxay ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof.

SHARE