Golaha Deegaanka Qandala oo lakala diray

104

Madaxweynaha maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

Hoos ka akhriso Wareegtada

Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu xeeriyey.

  1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

Dhanka kalana Madaxweynuhu waxaa uu soo saaray wareegto lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Qandala.

Xeer Madaxweyne Lr.63 ee 23 May 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Qandala.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Qandala.

Markuu Qiimeeyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

  1. Waxaa Yuusuf Maxamed Ciise si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qandala.
  1. Waxaa Cabdukhaaliq Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Qandala.
SHARE