Golaha Amniga Qaranka oo maanta shir uga furmaya Baydhabo

84

Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ka furmaya shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed oo shirka martigelinaya ayaa ka qeyb galaya kulankan, kadib markii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya xubnaha Beesha Caalamka, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay aragtiyadooda ugu biiriyaan shirka.

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka.

Dowladda federaalka ayaa ku hanweyn in shirkani ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya arrimaha amniga, federaaleynta dalka, khayraad wadaagga iyo in dalka lagu soo dabaalo siyaasad degan oo ku dhisan wadatashi.

Shirkii midkan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka iyo amniga, taasi oo qeyb weyn ka noqon doonto shirkan.

SHARE