Ganacsiga suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran

345
Bakara market. Photo: Facebook.

Muqdisho (UM) – Waxaa maalintii labaad xiran guud ahaan ganacsiga suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Xirnaanshaha suuqa Bakaaraha ayaa ka dambasay kaddib markii ganacsatada Gobolka Banaadir ay diideen bixinta canshuurta iibka ah oo ay dowladdu ku soo rogtay taasi oo ay sheegeen in ay xaddhaaf tahay.

Ganacsatada ayaa sheegay in aysan sax ahayn in dowladdu canshuurto ama canshuurta iibka ah ee loo yaqaano ( Sales Tax) ka qaado badeecooyinka aan la iibin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawr toddobaad ka hor sheegtay in ay qaadayso canshuurta iibka ayna ku qaadayso gudaha dekadda wayn ee magaalada Muqdisho taasi oo ay ka soo horjeesteen ganacsatadu.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuurta xaqa loogu leeyahay. Wasiir Beyle ayaa sheegay in sababta dowladdu ay canshuurta ugu qaadayso gudaha dekadda ay tahay daruufo jira darteed, dowladduna ay ku qasban tahay.

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale shalay la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si ay ugala hadlaan cabashada ay ka qabaan canshuur bixinta balse wax natiijo ah kama soo bixin shirkaasi.

Xirnaanshaha suuqa Bakaaraha ayaa samayn ku yeeshay nolol maalmeedka dadka danyarta ah, iyadoo sidoo kalena uu samayn xooggan ku yeeshay dhaqdhaqaaqa guud ahaan ganacsiga Gobolka Banaadir.

SHARE