Duqa Muqdisho oo sheegay in roobabkii ka da’ay Muqdisho ay gaysteen $35M oo qasaara ah

56

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee  ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

Duqa magaalada Muqdisho waxaa  xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan oo ka dhalatay roobabka ka da’ay Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.

Waxaa uu ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon” Ayuu yiri Yarisow.

Guddoomiyaha   ayaa uga mahadceliyey shacabka ku nool Magaalada Muqdisho  iyo ciidamadda dowladda ee doorka muhiimka ah ka qaatay gurmadkii la sameeyey, isagoo ka codsaday in ay sii xoojiyaan gurmadka si dhibaatada looga saaro shacabka Soomaaliyeed.

SHARE