Dowladda oo $1M gaarsiinaysa goobaha Fatahaadaha ay ku dhufteen (Sawiro)

80

Magaalada Muqdisho waxaa Kulan Ku yeeshay guddiga Qaran ee Gurmudka Fatahaadaha kaasi oo looga hadlayay xaaladiihii ugu dambeeyay ee Fatahaadaha iyo sidii lacag iyo mucaawano kala duwan loo gaarsiin lahaa goobaha Fatahaadahu ay Ku dhufteen.

Kulanka oo ka dhacay  magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wada jir ah u shir gudoominayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Cabdiweli heekh Ibraahim Muudeey.

Kulanka kadib waxaa la sheegay in la isla-gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.

“Lacag  $1M (hal milyan oo doolar ah) ayaan u qeybin doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay”, ayuu ka dhawaajiyay R/wasaare Ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Gargaarka lacageed iyo mucaawano  kale oo isugu jirta Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la sheegay in gaarsiin doono deegaannada dhibaatadu ay ka jirto gaar ahaan goobaha saamaynta ugu badan ay Ku yeelatay Fatahaada Wabiyada Soomaaliya.

SHARE