Dhaqaatiir Caalami ah oo loo diray Qaza

109

Ha’yadda  Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in ay  labo kooxood oo dhaqaatiir ah ay u dirtay marinka Qaza si ay u caawiyaan dadkii dhawaan ku dhaawacmay qalalaasihii ka dhacay halkaasi.

Hay’adda waxa ay sheegtay in dadkaasi ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay uyu horreeyaan dhanka Caafimaadka.

Laanqayrta Cas  waxa ay sheegtay in Dhaqaatirtan ay ku takhasuseen qaliinka waxaana la doonaya inay wax ka qabtaan baahida dhanka caafimaadka ee ka jirta Qaza.

Madaxa howlgalka ha’yadda ICRC ee bariga dhexe Robert Mardini wuxuu sheegay in dibadbaxyadii iyo rabshadihii Qaza ay gabaabsi dhanka adeegyada caafimaadka ay ku reebeen dadka deegaanka islamarkaasna xarumaha caafimaadka Qaza aysan qaabili karin dadka intaa la eg ee dhaawaca ah.

In ka badan 13,000 oo Falastiiniyiin ayaa ku dhaawacmay rabashadihii dhawaan ka dhacay xadka Falastiin iyo Israa’iil, sida ay sheegeen hay’addaha gargaarka.

SHARE