Ciid Mubaarak: Dalalka Islaamka oo ku dhawaaqey inay berri tahay Ciidul fitri

147

Bishii Soonfur ayaa laga arkey meelo kamid ah caalamka Islaamka, taas oo macnaheedu yahay in maalinta Jimacada ee 15 June ay tahay maalinta u horeysa ee Ciidul-fitriga, waxaana Muslimiinta u dhamaadey soomka bisha Ramadaan oo sanadkan noqotey 29 maalmood.

Dalalka ku dhawaaqey waxaa ka mid ah Sucuudiga, Imaraadka Carabta, Qatar, Turkiga, Cumaan, Baxreyn iyo dalka Muslmiinta ugu badan ee caalamku ku  nool yihiin ee Indunuusiya.

Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa iyagu shegay in maalinta Sabtida ah ay ciid u tahay.

Sida ay tahay sunadu, salaadda ciidul fitriga waxaa la tagaa adiga oo quraacdey ama wax sii cuney si aad u muujiso in aysan Ramadaan ahayn, waxaa la xirtaa dhar qurxoon, waxaana dadka Muslimiinta ah laga doonayaa in ay isugu tagaan Musala ama banaan si ay u tukadaan laba rakcadood, maalintisaas waxaa la badiyaa takbiirta iyo tahliisha, waxaana muslimiintu isugu haniyeyaan in allaah ka aqbalo camalkii saalixa ahaa.

Bahda Ummadda Media waxay idin leedahay Ciid Mubaarak!

SHARE