Caddaalad darrada dhabta ah waxay Ku dhacaysaa shacabka Soomaaliyeed – UM

2252
The New Chief Justice Baashe Ahmed Yusuf. Photo: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Nidaamka caddaaladda Soomaaliya marnaba ma noqon mid faa’iido u leh dadka Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waxa ay la noolaayeen caddaalad darro muddo aad u dheer, magacaabista guddoomiyaha Maxkamada Sare ee da’da yarna waxba taas kama badaleyso .

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Axaddii la soo dhaafay guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Ibraahim idle Suleymaan, waxa uuna ku badalay Baashe Axmed Yuusuf oo ah 36 jir garyaqaan da’ yar oo aan laheyn wax waayo aragnimo ama khibrad oo la xiriira dhanka sharciyada dastuurka iyo kan sharciyadda maamulka dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankiisa  uu ka mid yahay qorshayaashiisa uu ku doonayo in uu dib u habeyn ku sameeyo garsoorka dalka oo uu hareeyay maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan. Eedahaasi oo dhami waa run maxaa yeelay Soomaaliya ma yeelan tan iyo xoriyaddii garsoor huffan oo madaxbannaan, isla markaana si wanaagsan shaqadooda u qabta.

Garsoorku  sharci ahaan waa ka madaxbannaan yahay fullinta oo ah waax ka mid ah saddexda waaxood ee dowladdu ka koobantahay. Kuwaas oo kala ah sharci dajinta oo baarlamaanka ah , garsoorka oo maxkamadaha ah iyo fulinta oo ah madaxweynaha iyo xukuumadda.

Haddaba su’aashu waxay tahay iyada oo sidaas ay jirto madaxweynuhu xaq ma u leeyahay in uu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda sare?

Waa arrin u taalla guddoomiyaha hadda uu magacaabay madaxweynuhu oo ay tahay in uu isweeydiiyo in madaxbannaanida la sheegayo ee garsoorka ay jirto iyo in kale. go’ankaas wuxuu ahaa mid ilhaano dastuuri ah oo aan laga fiirsan!!.

Dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu aad u dhawray madaxbannaanida garsoorka. Waana mid wafaaqsan mabaa’diida dimuqraadiayeed ee Soomaaliya ay hiigsaneeyso.

Golaha sharci dajintu waa  mid taagdaran oo la laaluushi karo: si la mid ah fulintuna waa mid aan fadhin oo isbad-badal badan. Waxaa taas ka sii daran garsoorkii labada hey’adood ee kale ee la socon lahaa oo wax ka qaban lahaa xadgudubkooda dhanka sharciga ah waa mid aan dhaqaale , tababar iyo shaqaale ku filan heysan, isla markaana u hoggaamiyo magacaabane siyaasadeed oo da’ yar oo aan wax khibrad ah lahayn kaas oo xiriir dhaw leh xisbi siyaasadeed Wadani ee Soomaaliland ka dhisan.

Arrinta la yaabka badan ayaa ah in Baashe Axmed Yuusuf uusan waligii fariisan Maxkamad isla markaasna uusan noqon garsoore maxkamadeed go’aan ka gaara qodob sharci oo la isku hayay. Taas micnaheeda ma ahan in ninkii ka horreeyay uu ka fiicanyahay maxaa yeelay aamusnaantiisa xilligii uu socday murankii guddoomiyihii baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaraaha ayaa muujinaya in uusan waxba dhaamin ninka hadda la magacaabay.

Haddaba la yaab malahan in dadka Soomaaliyeed ay maxkamadaha Soomaaliya u arkaan kuwo musuqmaasuq badan oo aan awoodin xallinta dhibkooda, iyada oo dadku  mararka qaar arrimahooda ku xallista maxkamadaha Shabaabka.

Haddii madaxweynaha uu daacad ka yahay wax ka badalidda garsoorka waxa uu iska dhaafi lahaa nidaamka awood qaybsiga 4.5 oo Lgu saleeyo magacaabidda masuuliyiinta dowladda.

Madaxweynuhu haddey dhab ka tahay dib u habeynta garsoorka waxa uu ixtiraami lahaa hey’adda garsoorka, isaga oo xoogga saari lahaa sare u qaadida aqoonta iyo tababaridda garsoorayaasha iyo la socodka waaxaha caddaaladda iyo wanaajinta habka  maamulka wasaaradda caddaaladda.

Taas micnaheeda ma ahan xulashada cid isaga ama saaxiibidii ay rabaan in  uu ku fariisiyo kursiga maxkamdda, hase yeeshee waxay tahay u ogolaanshaha kuwa ugu fiican dhinaca sharciga  in ay fariistaan kursiga maxkamdda si ay dowladiisa uga qabtaan shaqo muhiim ah marka ay xeerka jabiso.

Dowladda iyo hoggaamiyeyaasha wanaagsan kama baqaan qabashada sharciga. Waa in ay taageeraan iyaga oo dhisaya hey’adaha garsoorka oo xoog leh.

Dib u eegista dastuurka wali waa ay socotaa, waxaana laga yaabaa in ay saameeyn ku yeelato magacaabsitaan aan laga fiirsan ee kursiga ugu sarreeya garsoorka. Guddoomiyha cusub ee maxkamadda sare oo xubin ka ahaa xisbiga Waddani ee Somaliland, isla markaana ah mid uun ka qalinjabiyay kuuliyadda sharciga aanse waligii aan ku shaqeeyn,  ayaa mustaqbalka maamuli doona qoridda, wax ka badalka iyo dhaqangelinta dastuurka lagu wado in la qoro.

Caddaalad darrada rasmiga ah waxay mudane madaxweyne ku dhaceysaa shacabka Soomaaliyeed. Tani waxay dhaawaceeysa kalsoonidii lagu qabay dowladaada.

SHARE