Banaanbaxayaal lagu dilay magaalada Muqdisho

228

Banaanbaxan ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii Banaanbaxayay, maadaama Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay Rasaas ku fureen Banaanbaxyaasha.

Inta la ogyahay laba qof oo ka mid ahaa dadkii Banaanbaxayay ayaa ku geeryooday Rasaasta ay fureen Ciidamada, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale, sida ay warbaahinta Ummaddamedia ay  sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa waxaa ay inta Ku darayaan in ciidamada xasalinta Caasimadda ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen ayagoo hubka ka dhigay ciidamada Ku lugta lahaa rasaasta dadka shacabka ah lagu furay.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in sidoo kale la xiray, waxaana sida ay wararku sheegayaan ay ahaayeen ciidamada ilaalo u ahaa mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo markii hore u banaanbaxayay ayaa banaanbaxooda rabsho u badalay ka dib markii labo ka mid ahaa banaanbaxayaasha la dilay.

Ayagoo caraysan ayaa waxa La sheegay in ay weerareen gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM ka dibna bililaqo u gaystay gaariga.

Dadkan dibadbaxa dhigayay ayaa ahaa daraawalada mootooyinka Bajajka kuwaasi oo ka cabanayay wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda oo loo diiday.

Gudoomiyaha gobalka Banadir oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa la hadlayay dibadbaxayaasha isagoo u sheegay in loo fasaxay dhammaan wadooyinkii horey looga mamnuucay.

SHARE